Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu hirgelinayo xarun lagu magacaabo "HALMEEL "oo ah xarun adeeg oo lagu mideynayo adeegyo kala duwan oo ay bixiyaan hay’adaha dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo arrintan kaga hadlay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan, ayaa sheegay in qorshuhu yahay in muwaadinku uusan marar badan ugu kala safarin xarumaha dowladda, balse uu adeegyada uu u baahan yahay ka heli karo hal goob.
“Adeegyada dowladda ee midba meel magaalada uu yaallo ayaan rabnaa in hal meel la isugu geeyo, hal agaasime loo sameeyo, dabadeedna qofku hal maalin wixii oo dhan ku heli karo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Hal goob iyo adeegyo kala duwan
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, qofka u baahan adeegyo ay ka mid yihiin baasaboorka, shahaadooyinka, adeegyada NIRA iyo shatiga ganacsiga ayaa mustaqbalka adeegyadaas ka heli kara hal xarun, halkii uu u kala safri lahaa xafiisyo iyo hay’ado kala duwan. Qorshaha ayaa loogu talagalay in la fududeeyo adeegyada dowladda, lana yareeyo waqtiga iyo kharashaadka kaga baxa muwaadiniinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
“Qofku hal maalin ayuu maanta baasaboorka qaadan karaa, shahaadada qaadan karaa, NIRA kasoo samaysan karaa, shatigiisa ganacsina uu heli karaa,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, isagoo sharxayay sida nidaamka loo qorsheeyay.