Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika inay tahay guul diblomaasiyadeed oo weyn, isla markaana wax badan ka beddeli doonta kaalinta dalka ee go’aan-qaadashada arrimaha amniga qaaradda.
Wareysi uu siiyay Dawan Media, ayuu Wasiirku ku sheegay in Soomaaliya horey ugu qasbanaan jirtay inay dalal kale u sii mariso ajandayaasheeda marka la joogo golaha, balse hadda ay si toos ah uga mid noqotay golayaasha go’aannada muhiimka ah lagu gaaro.
"Annagu marwalba oo aan u baahanahay inaan wax soo gudbinno, waxaan soo marsii jirnay dalalka kale ee saaxiibada nala ah ee Golaha ku jira. Marka inaan maanta fadhino oo weliba fursad u heli doonno inaan noqono hoggaanka golaha oo meerta ah oo ay dalalku ku wareegaan fursad wayn bay noo tahay" ayuu yiri, Wasiirku.
Wasiirku wuxuu sharraxay in xubinnimada cusub ay Soomaaliya u oggolaaneyso inay si toos ah uga qayb qaadato go’aan-qaadashada arrimaha amniga Afrika, taas oo ka duwanayd xaaladdii hore ee ay ku tiirsanaan jirtay saaxiibo kale oo xubno ka ah golaha. Waxa uu tilmaamay in fadhiga Soomaaliya ee golaha, iyo suurtagalnimada inay qabato hoggaanka wareegga ah ay siinayso fursad istiraatiiji ah oo ay saameyn muuqata ku yeelato siyaasadaha amniga gobolka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in tani ay Soomaaliya u fureyso door weyn oo ku saabsan xalinta xasaradaha ka taagan Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa si toos ah u taabanaya danaha dalka.







