Mauritania (Dawan) – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa Madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Sheekh El Ghazouani, ku wareejiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Nouakchott.
Kulanka ayaa Wasiiru Dowluhu ku gudbiyay salaanta iyo hambalyada Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku wareejiyay farriin qoraal ah oo muujinaysa qaddarinta ay Soomaaliya u hayso Mauritania iyo rabitaankeeda ku aaddan xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay labada dal wadaagaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashada ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania, isla markaana lagu sahminayo fursado cusub oo lagu horumarinayo iskaashi dhow oo labada dal dhex mara.