Jabuuti (Dawan)- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Axaddii si rasmi ah u bilaabay doodda iyo dib-u-eegista Hindise-Sharciyeedka Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka maaliyadeed 2026, taas oo lagu tilmaamay mid dejin doonta jihada dhaqaalaha iyo mudnaanta horumarineed ee dalka sannadka soo socda.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Miisaaniyadda, Ismaan Ibraahim Rooble iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha Guud iyo Qorsheynta ee Golaha Qaranka, waxaana laooga dooday jihada guud ee miisaaniyadda, ilaalinta isku-dheellitirka maaliyadeed, iyo mudnaanta kharashaadka dadweynaha, iyada oo xoogga la saaray saameynta miisaaniyaddu ku yeelan karto xasilloonida dhaqaale iyo horumarka guud ee dalka.
Miisaaniyadda 2026 ayaa la filayaa inay mudnaan siiso; xoojinta adeegyada aasaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha, gaadiidka iyo tamarta, maareynta deymaha iyo xasillinta dhaqaalaha, iyo kobcinta dakhliga gudaha.
Dowladda Jabuuti ayaa sanadihii u dambeeyay xoogga saartay ballaarinta laamaha canshuuraha, horumarinta dekedaha iyo aagagga ganacsiga xorta ah, iyo maalgelinta kaabeyaasha istiraatiijiga ah, kuwaas oo la filayo inay si muuqata uga dhex muuqdaan miisaaniyadda cusub.







