Jabuuti (Dawan ) – Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xukuumaddiisa cusub u dejiyay jihada ay ku shaqeyn doonto shanta sano ee soo socota, isagoo mudnaanta koowaad siinaya horumar loo dhan yahay, warshadeyn, shaqo-abuur, tiknoolojiyad, iyo xoojinta adkeysiga dalka ee ka dhanka ah dhibaatooyinka caalamiga ah.
Madaxweyne Geelle ayaa arrimahan uga hadlay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada cusub, kaddib doorashadii madaxtinnimada ee dhacday 10-kii April 2026, taas oo mar kale xilka loogu doortay.
Khudbaddiisa, Geelle wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha uusan macno buuxa sameyn karin haddii uusan wax ka beddelin nolosha bulshada.
“Kobaca dhaqaale macno ma sameynayo haddii uusan isu beddelin horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan tahay inay dardargeliso warshadeynta, isla markaana la dhiirrigeliyo hirgelinta xarumo wax-soo-saar, si kaabayaasha dekedaha iyo saadka dalka ay u taageeraan dhaqaale ku dhisan wax-soo-saar.
“Waa inaan dardargelinnaa warshadeynta dalkeenna. Waa inaan dhiirrigelinnaa dhismaha xarumo wax-soo-saar,” ayuu raciyay hdalkiisa
Geelle ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay taageeri doonto maalgashiga, gaar ahaan qeybaha abuuri kara hanti iyo shaqooyin badan. Wuxuu si gaar ah u xusay tiknoolojiyadda cusub, oo uu ku tilmaamay qeyb wax weyn ka beddeli karta dhaqaalaha, isla markaana shaqooyin cusub u abuuri karta dhalinyarada.


