Soomaaliya, 19 Febraayo 2026(Dawan)– Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee axdiyo caalami ah oo muhiim u ah arrimaha badda, kuwaas oo looga golleeyahay xoojinta maamulka badaha iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ansixintani ay gacan ka geysan doonto horumarinta qaybta gaadiidka badda ee qaranka, iyadoo fududaynaysa helitaanka taageero farsamo oo caalami ah, isla markaana ka caawinaysa diyaarinta qorshaha gurmadka degdegga ah ee qaranka ee shilalka wasakhowga badda.
Heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid ah Axdiga Caalamiga ah ee 1972 ee Xeerarka Ka-hortagga Isku-dhaca Maraakiibta ee Badda (COLREG), kaas oo ujeeddadiisu tahay yaraynta shilalka badda iyo ilaalinta nafaha, hantida iyo deegaanka badda. Wasaaraddu waxay sheegeen in hannaankani uu muhiim u yahay kor u qaadista kalsoonida ganacsiga caalamiga ah ee ka dhex socda biyaha Soomaaliya
Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay meel mariyeen Axdiga Caalamiga ah ee 1990 ee Diyaargarowga, Ka-jawaabista iyo Iskaashiga Wasakhowga Saliidda (OPRC), iyo Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeellada Wasakhaynta Shidaalka (1992).







