Muqdisho (Dawan)—Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ku xukuntay siddeed sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira xubinnimo Al-Shabaab, maalgelinta argagixisada iyo lacag-dhaqid. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Khamiistii sheegay in baaritaanno iyo caddeymo la horgeeyay maxkamadda ay muujiyeen in akoonka eedeysanaha ay martay lacag dhan $763,353.45.
Sida ay xeer-ilaalintu sheegtay, lacagahaas waxaa lala xiriiriyay maalgelinta hawlo ay ka mid yihiin qaraxyo, dilal qorsheysan iyo falal kale oo loo aaneynayo Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa sidoo kale Cabdi ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan $15,000 , waxayna amartay in la xiro akoonkiisa, isla markaana dowladda lagu wareejiyo lacagaha ku jira.