Muqdisho (Dawan)— Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ku dhawaaqay Isiinanta maanta ah xukun ay maxkamaddu ku burisay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, isagoo sheegay in doorashada aan loo maamulin ama loo qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.
Baashe oo xukunka akhrinayay ayaa sheegay in xadgudubyo dhacay intii lagu jiray geeddi-socodka doorashada ay waxyeello u geysteen madax-bannaanida, xorriyadda iyo caddaaladda doorashada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen natiijadii ka dhalatay.
Maxkamaddu waxay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorasho cusub oo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ah, iyadoo si buuxda loo raacayo dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka, sharciga dhismaha guddiga iyo xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda.