Muqdisho (Dawan)— Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijooyinkii doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay yeelatay kulamo iyo fadhiyaal kala duwan oo lagu falanqeeyay codsiyo uga yimid Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo dalbanayay in maxkamaddu si kama dambeys ah u ansixiso natiijooyinkii doorashooyinka ka dhacay Koonfur Galbeed.
Maxkamadda ayaa sheegtay in, kadib qiimeyn iyo tixgelin lagu sameeyay codsiyadaas, ay go’aansatay inay si rasmi ah u meelmariso natiijooyinka kasoo baxay doorashooyinka.
Ansixintan ayaa imaanaysa xilli 18-kii bishan May ay Maxkamadda Sare si cad u sheegtay in aysan gacanta ku hayn wax natiijo doorasho ah oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed, taas oo xilligaas dhalisay su’aalo ku saabsan heerka sharci ee natiijooyinka iyo habraaca ansixinta.


