Kismaayo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in doorashada maamulka Jubaland aysan u baahnayn aqoonsi ka yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in sharciyadda doorashada ay ka timaaddo shacabka reer Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa hadalkan jeediyay Axaddii, xilli uu soo xirayay tababar loo qabtay Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Hadalka Madaxweynaha Jubaland ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wareysi uu siiyay Dawan Media ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe iyo inuu yahay Madaxweynaha Jubaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalku ay waddo dadaallo iyo waanwaan siyaasadeed oo lagu doonayo in Jubaland dib loogu soo celiyo hannaan wada shaqeyn oo ku dhisan nidaamka federaalka.
Dhankiisa, Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu si cad u qeexayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isagoo ku dooday in doorashada Jubaland ay tahay arrin u taalla shacabka iyo hay’adaha maamulkaas.