Muqdisho (Dawan)— Musharraxa u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ballanqaaday inuu si siman ugu adeegi doono dhammaan xildhibaannada, isla markaana uu ka shaqeyn doono ilaalinta sharafta, madax-bannaanida iyo hufnaanta Golaha Shacabka.
"Waxaan idin ballan qaadaya inaan noqdo guddoomiye si isku mid ah ugu adeega dhammaan xildhibaannada kana shaqeeya ilaalinta sharafta madax-bannaanida iyo hufnaanta Golaha" ayuu yiri; Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbad ka hor jeediyay Golaha Shacabka ka hor doorashada Guddoomiyaha Golaha, ayaa sheegay in barnaamijkiisa musharraxnimo uu ku dhisan yahay shan tiir oo muhiim ah, kuwaas oo uu sheegay inay saldhig u noqon doonaan hoggaankiisa haddii loo doorto xilka.
Shanta tiir ee uu musharraxu soo bandhigay ayaa kala ah:
La xisaabtanka hay’adaha fulinta, si loo xoojiyo doorka kormeer ee Golaha Shacabka.
Dardargelinta shuruucda muhiimka ah, si Golaha uu u meel mariyo xeerarka mudnaanta u leh dalka.
Sare u qaadista xirfadda iyo aqoonta Golaha, si loo xoojiyo tayada shaqada xildhibaannada iyo howlaha baarlamaanka.