Addis Ababa (Dawan)- Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo, isla markaana walaac ka qabo, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Masar. Bayaan uu soo saaray Guddiga Midowga Afrika ayaa saddexda dal loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, iyo inay ka fogaadaan tallaabooyinka sii kicin kara xiisadda oo wax u dhimi kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo waddooyinka xiriirka iyo wada-xiriirka diblomaasiyadeed, isagoo ku booriyay Itoobiya, Eritrea iyo Masar inay khilaafaadkooda ku xalliyaan hannaan diblomaasiyadeed iyo wada-hadal nabadeed.