Addis Ababa (Dawan) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta Khamiis isugu yimid shirkii 330-aad ee heer wasiir si looga hadlo colaadda sii xumaaneysa ee Suudaan iyo kala-guurka amniga ee Soomaaliya.
Kulanka, oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa diiradda lagu saaray Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo hirgelinta xabbad-joojin waarta oo ka dhacda Suudaan.
Abdelatty, oo la hadlayay weriyayaasha ka dib shirweynaha, ayaa sheegay in Masar ay taagereyso soo jeedinada lagu doonayo xabbad joojinta Suudaan، isagoo carrabka ku adkeeyay in xabbad-joojin kasta oo bini’aadantinimo ay tahay inay ku jirto abuurista marinnada ammaan ah iyo goobo nabdoon.







