ADDIS ABABA (Dawan ) – Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadal iyo is-xakameyn Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed uu soo saaray 29-ka March Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay dhinacyada Soomaaliyeed inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal nabadeed, isagoo xusay Golaha Wadatashiga Qaranka inuu yahay madal muhiim u ah wada-hadal loo dhan yahay iyo dhisidda is-afgarad.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada lagu xalliyo wada-hadal, isagoo muujiyay muhiimadda midnimada iyo iskaashiga.


