Brussels (Dawan )– Golaha Midowga Yurub ayaa Talaadadii sheegay inuu go’aansaday in la joojiyo xayiraadihii fiisaha Schengen ee lagu soo rogay muwaadiniinta Itoobiya sanadkii 2024, isagoo sabab uga dhigay waxa uu ku tilmaamay horumar laga sameeyay iskaashiga Itoobiya ee aqoonsiga iyo dib u celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sugan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Golaha Midowga Yurub, go’aan la ansixiyay 18-kii May ayaa baabi’inaya tallaabooyinkii hakiyay qaybo ka mid ah Xeerka Fiisaha Midowga Yurub ee quseeyay muwaadiniinta Itoobiya, kuwaas oo lagu doonayay in lagu dhiirrigeliyo iskaashi xooggan oo ku saabsan arrimaha dib u celinta.
Xayiraadahaas ayaa la soo rogay kadib markii Midowga Yurub uu sanadkii 2022 ku qiimeeyay in iskaashiga Itoobiya ee habraacyada dib u celinta aanu ku filnayn, isla markaana loo baahnaa horumar muuqda oo ku saabsan aqoonsiga muwaadiniinta Itoobiya, bixinta dukumentiyada safarka iyo abaabulka hawlgallada dib u celinta.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qiimeyn dambe oo uu sameysay Guddiga Yurub lagu ogaaday “horumar la taaban karo oo joogto ah” oo dhinaca iskaashiga ah, gaar ahaan aqoonsiga muwaadiniinta Itoobiya ee si sharci darro ah ugu sugan dalalka Yurub, bixinta dukumentiyada safarka degdegga ah iyo fududeynta hawlgallada dib u celinta.


