Muqdisho (Dawan) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal cusub oo ay ku baahisay barteeda X ku tilmaantay Xasan Sheekh Maxamuud “Madaxweyne,” saacado kadib markii qoraal hore oo ay magaciisa oo keliya ku xustay uu dhaliyay dood siyaasadeed iyo falanqeyn ku saabsan mowqifka Midowga Yurub.
Qoraalkii hore ee Safiirka ayaa soo jiitay dareenka siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya, kadib markii aysan Xasan Sheekh ugu yeerin “Madaxweyne,” balse ay si toos ah ugu xustay magaciisa iyadoo ka hadleysay wadahadalladii siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka.
Arrintan ayaa timid xilli uu taagan yahay muran siyaasadeed oo ku saabsan muddo xileedka dowladda Federaalka Soomaaliya. Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-ka May, halka dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in wax ka beddelka dastuurka uu muddo xileedka dowladda gaarsiiyay 2027.
Hase yeeshee, qoraal cusub oo ay Safiir Francesca Di Mauro soo dhigtay saacado kadib ayay ku isticmaashay erayga “Madaxweyne,” iyadoo sheegtay inay Xasan Sheekh kala hadashay taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.


