Muqdisho (Dawan) – Midowga Yurub ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee Xornimada Gobollada Koonfureed iyo Midnimadii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay adkeysiga iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dal nabdoon, dimuqraadi ah oo barwaaqo leh.
War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ururku uu shacabka Soomaaliyeed kala qeyb qaadanayo farxadda munaasabadda maalmaha xornimada, taas oo lagu tilmaamay astaan muujinaysa halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda iyo mideynta qaranka Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen adkeysi iyo rajo, iyadoo Midowga Yurub uu caddeeyay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya.
“Annagoo ah saaxiib lagu kalsoon yahay, waxaan sii wadeynaa taageerada aan u hayno safarka Soomaaliya ee ku aaddan dimuqraadiyad, nabad iyo barwaaqo,” ayaa lagu yiri farriinta Midowga Yurub.