Addis Ababa (Dawan) – Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay jebisay Heshiiskii Nabadda ee Pretoria ee la saxiixay sanadkii 2022, wuxuuna walaac ka muujiyay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan gobolka Tigray.
War-saxaafadeed uu Midowga Yurub ka soo saaray xaaladda waqooyiga Itoobiya ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday TPLF, oo ay ka mid yihiin dhismaha gole goboleed barbar socda maamulka jira iyo askareyn ka socota gobolka Tigray, ay si toos ah uga hor imaanayaan qodobbada Heshiiska Joogtada ah ee Joojinta Colaadaha (CoHA).
Heshiiska Pretoria, oo ay bishii Nofeembar 2022 ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Itoobiya iyo TPLF, ayaa soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee waqooyiga Itoobiya. Heshiiska ayaa dhigayay joojinta colaadaha, hub ka dhigista ciidamada iyo dib u soo celinta adeegyada aas-aasiga ah.