Liverpool (Dawan)- Mohamed Salah, xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar, ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay inuu ka tagayo garoonka Anfield marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan 2025-26, isagoo soo afjaraya mid ka mid ah waayihii ugu guulaha badnaa ee taariikhda casriga ah ee kooxda.
Salah, oo 33 jir ah, ayaa fariin muuqaal ah oo uu ku soo dhigay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku xaqiijiyay bixitaankiisa. Go’aankan ayaa dhabar-jab weyn ku ah taageerayaasha kooxda "Reds", kuwaas oo u yaqaanay "Boqorka Masar" tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Roma sanadkii 2017.
"Ma malayn karin sida ay kooxdan, magaaladan, iyo dadkani qayb uga noqon doonaan noloshayda. Liverpool ma ahan koox kubadda cagta oo kaliya, waa dareen iyo taariikh... Waxaan halkan ku qaatay xilligii ugu fiicnaa noloshayda," ayuu yiri Salah.
Tan iyo markii uu ku soo biiray Liverpool xagaagii 2017, Salah wuxuu u xuub-siibtay mishiin goolal dhalin ah. Mudadii sideedda sano ahayd, wuxuu u saftay Liverpool 435 kulan, isagoo dhaliyey 255 gool. Rikoodhkan ayaa ka dhigay xiddiga saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda, isagoo ka dambeeya halyeeyada Ian Rush iyo Roger Hunt.
Salah wuxuu ahaa udub-dhexaadkii kooxdii uu dhisay tababare Jurgen Klopp, taasoo soo celisay sharaftii Liverpool. Intii uu joogay Anfield, wuxuu kula guuleystay koob ay ugu mihiimsanaayeen
Laba horyaal oo Premier League ah.
Hal koob oo Champions League ah.
