Muqdisho (Dawan) — Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo hore u soo noqday wasiirka Madaxtooyada Puntland, haddana ka mid ah guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay in aan heshiis siyaasadeed laga gaarin wadahadallada dowladda federaalka iyo mucaaradka. Wuxuu si gaar ah uga hor yimid wararka sheegaya in dhinacyadu ku dhow yihiin inay heshiis saxiixaan.
Dhabancad wuxuu si cad u diiday wararka sheegaya in heshiis dhow yahay ama la saxiixayo. “Wax ka jira ma jiraan,” ayuu yiri hadalkiisa ku adkeeyay.
Dhabancad ayaa arrintan ka sheegay Shirweynaha 4aad ee Nabadda ee ay qabatay Puntland Development Research Center (PDRC). Hadalkiisu wuxuu ka tarjumayaa mowqifka uu ka sheegay madasha isagoo ka qeyb galay wadahadallada.
Sida uu Dhabancad sheegay, dowladda iyo Golaha Mustaqbalka waxay yeesheen kulammo heer madax iyo heer farsamo ah. Kulammadaas waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ku saabsan doorashada, balse waxay ku dhammaadeen iyadoo aan la isku raacin qodobbada muhiimka ah.
Wuxuu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu aqbalay in laga wadahadlo doorasho toos ah, inkastoo uu hore u taageersanaa doorasho dadban. Hase yeeshee, ayuu yiri, aqbalaadda mabda’a doorasho toos ah ma xallin muranka ku saabsan cidda doorashada qabanaysa, hannaanka loo marayo iyo sida loo dammaanad qaadayo fulinta heshiis kasta.