Muqdisho 21 December 2025 (Dawan)- Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qabtay muddo hal bil ah inuu isugu yeero kulan ay ka qeyb galaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, si looga wadahadlo hannaanka doorashooyinka soo socda iyo ka hortagga firaaq dastuuri ah.
War-murtiyeed ay soo saareen Mucaaradku, kaddib shir socday saddex maalmood oo xalay lagu soo gabagabeeyay Kismaayo, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha laga sugayo inuu ugu dambayn 20-ka Janaayo 2026 qabto kulan loo dhan yahay, kaas oo diiradda lagu saari doono geeddi-socodka doorashooyinka iyo hubinta in ay ku dhacaan waqtigooda dastuuriga ah.
Mucaaradku waxay ka digeen in haddii aan la helin wadahadal siyaasadeed oo waqtigiisa ku dhaca, ay qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo kale, kuwaas oo ay ku sheegeen in looga golleeyahay ilaalinta xasilloonida dalka, ka hortagga qalalaase amni, firaaq dastuuri ah iyo halista sii kordheysa ee kooxaha hubeysan.




