Muqdisho (Dawan)– Mucaaradka fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan mudaharaad ballaaran oo dhacaya 10-ka May, kaas oo ay sheegeen in lagu muujinayo diidmo ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee dowladda iyo xaaladaha ay ku tilmaameen cadaalad-darro iyo dulmi saameeyay shacabka.
Banaanbaxan ayaa ku soo beegmaya muddadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay mucaaradka wadahadal lagu waday in lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadeed iyo sidii loo xallin lahaa khilaafaadka taagan ee doorashada soo socota
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa sheegay in ay doorbidayaan in codkooda ku muujiyan banaanbax nabadeed, si ay u soo bandhigaan sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka.