Muqdisho (Dawan) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wada-hadalladii siyaasadeed ee ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 13-ka illaa 15-ka May 2026 ay fashilmeen, kadib markii, sida uu Goluhu sheegay, lagu heshiin waayay hannaan siyaasadeed oo lagu maareeyo marxaladda kala-guurka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in wada-hadalladaas ay u dhexeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayna garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.
Golaha ayaa sheegay in fashilka wada-hadallada uu la xiriiro waxa uu ku tilmaamay diidmada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee heshiis siyaasadeed oo ku dhisan hannaan kala-guur loo dhan yahay, is-afgarad qaran iyo masuuliyad wadaag.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu wada-hadallada uga qeyb galay “masuuliyad iyo daacadnimo,” balse wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doortay waddada khilaafka siyaasadeed, xasillooni-darrada iyo qalalaasaha amni.


