Muqdisho, 19 Janaayo 2026 (Dawan)– Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa Axaddii soo saaray amar mamnuucaya in xubnaha ka tirsan ciidamada amniga ee hubaysan ay adeegsadaan mootooyinka, loo yaqaanno “Fekon,” taasoo qayb ka ah tallaabooyina lagu sugayo ammaanka caasimadda.
Mamnuuciddan ayaa si cad u diidaysa in askari ama sargaal kasta oo hub sita inuu kaxeeyo ama raaco mootooyinka labada lug leh, kuwaas oo si ballaaran loogaa isticmaalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaadiidka ahaan .
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in ciidanka hubaysan aan loo oggolayn inay joogaan waddooyinka caasimadda ilaa ay ku jiraan waajibaad shaqo oo rasmi ah mooyee. “Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay’addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska, iyadoo la xusay in tallaabooyinkani ay muhiim u yihiin ilaalinta nidaamka iyo badbaadada dadweynaha.





