Muqdisho (Dawan ) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku qabtay khamri si qarsoodi ah loogu kaydiyay laguna iibinayay, sida ay sheegeen saraakiil amni.
Howlgalka oo dhacay xalay, waxaa fuliyay ciidamada nabad-sugidda iyo booliska, kuwaas oo beegsaday goobo ay tuhunsanaayeen in lagu kaydiyo laguna iibiyo maandooriyaha, gaar ahaan khamriga.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen guri ku yaalla degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka heleen kartoonno ay ka buuxaan dhalooyin khamri ah oo si qarsoodi ah loo iibinayay.


