Muqdisho — Kaddib ku dhowaad nus qarni oo ay la daalaa-dhacaysay colaado, qalalaase amni iyo burbur dowladeed, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka gashay jawi doorasho oo taariikhi ah, oo aysan dadkeedku arkin muddo dheer.
Doorasho qof iyo cod ah ayaa si rasmi ah uga billaabatay magaalada, taas oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaannada 16 degmo oo ka mid ah 20-ka degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo xuquuqda codbixinta ee shacabka.
Subaxnimadii hore, waxaa goobaha codbixinta isugu soo baxay kumannaan muwaadiniin ah, kuwaas oo safaf dhaadheer u galay xarumaha loo asteeyay codbixinta, iyagoo muujinaya rabitaan xooggan oo ku aaddan ka-qaybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed.
Goobaha qaar ayaa lagu arkayay shacab wata kaararkooda codbixinta, kuwaas oo lug ku gaarayay xarumaha, sababo la xiriira xayiraadaha amni ee saarnaa magaalada.
Guud ahaan Muqdisho waxaa saarnaa bandow adag, waxaana istaagay dhammaan gaadiidkii dadweynaha iyo duulimaadyadii garoomada diyaaradaha.
Wadooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa u badnaa kuwo ay buuxiyeen codbixiyayaal lugaynaya, taas oo si weyn u muujinaysay muhiimadda ay doorashadu u leedahay bulshada ku dhaqan magaalada.
In ka badan nus milyan codbixiyeyaal ah






