Muqdisho (Dawan)— Kulan lagu muujinayo garab istaagga shacabka Suudaan ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya, kaddib guulo ay ciidamada dowladda Suudaan sheegeen inay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan kooxda RSF.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu xusay horumarrada ay ciidamada dowladda Suudaan ka sameeyeen Waqooyiga Kordofaan, halkaas oo la sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaannada Umm Sayala, Umm Qirfa, Jabra Al-Sheikh iyo Bara, isla markaana ay dib u fureen waddada galbeed ee isku xirta Omdurman iyo magaalada Al-Obeid ee caasimadda Waqooyiga Kordofaan.
Safiirka Suudaan ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil, ayaa sheegay in ciidamada Suudaan ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay, gaar ahaan gobolka Waqooyiga Kordofaan.
“Waxaad ogtihiin guulihii la gaaray maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan Waqooyiga Kordofaan. Ciidanka ayaa halkaas ka helay hub iyo rasaas aad u tiro badan, qalabyo casri ah oo isgaarsiinta lagu carqaladeeyo, gantaallo casri ah, nidaamyada difaaca cirka iyo diyaarado badan oo aan duuliye lahayn,” ayuu yiri Safiir Cabdiraxmaan Khaliil.