Muqdisho (Dawan)- Muqdisho waxaa lagu soo bandhigay mashiinno waaweyn oo dharka lagu dhaqo, kuwaas oo shirkadda keentay ay sheegtay in loogu talagalay xarumaha caafimaadka, hoteellada, apartment-yada iyo goobaha kale ee ay ku badan yihiin dadka iyo shaqaalaha.
Mashiinnadan ayaa mar keliya qaadi kara ilaa 15 kiilo oo dhar ah, waxaana la sheegay in ujeeddadu tahay in loo helo xal goobaha u baahan in muddo gaaban lagu dhaqo dhar tiro badan.
“Waxaad arkeysaa isbitaal ay boqolaal qof joogaan oo qasaalad yar oo aan ku filnayn lagu dhaqayo. Sidaas darteed ayaan u daahfurnay barnaamijkan si looga faa’iideysto,” ayuu yiri Xasan Xuseen Cali, Madaxa Suuq-geynta National Electronics.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho ay sii kordhayaan goobaha ay ku badan yihiin dadka, sida isbitaallada, hoteellada iyo dhismayaasha dhaadheer, taas oo kordhinaysa baahida loo qabo qalab awood u leh inuu hal mar dhaqo dhar badan.