Muqdisho (Dawan)– Magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, waxaana ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan ixtiraam, sinnaan iyo danaha labada dal, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac sannadkii 2024 loo qaaday heer iskaashi istiraatiiji ah.
Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka Shiinaha ee taageerada madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageerada Beijing ee dadaallada la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka dalka.