Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa shir goboleed ku saabsan ka hortagga Xagjirnimada iyo Is-weydaarsiga Khibradaha, kaas oo lagu wado in ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin, khubaro amni iyo wakiillo ka socda Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Xarunta Qaranka ee Tubsan ee Ka Hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, iyadoo lala kaashanayo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo taageerada Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriyada Koonfureed (KOICA).
Shirkaan ayaa lasheegay in lagu xoojin doono iskaashiga gobolka ee ka hortagga xagjirnimada, kor u qaadista nidaamyada digniinta hore iyo jawaabaha degdegga ah, iyo hagaajinta wadaagista xogta hay’adaha amniga iyo bulshada.


