Muqdisho (Dawan)– Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay shir heer sare ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta heshiiska isu-socodka xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo is-dhexgalka dhaqaale iyo iskaashiga gobolka.
Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya khubaro iyo mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha socdaalka, maamulka xuduudaha iyo hirgelinta heshiisyada gobolka.
Inta uu shirku socdo, ka qeybgalayaashu waxay ka doodi doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhaqan-gelinta heshiiska isu-socodka xorta ah iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan mideysan oo fududeynaya isu socodka muwaadiniinta iyo badeecooyinka dalalka IGAD, iyadoo la ilaalinayo amniga iyo shuruucda dalalka xubnaha ka ah ururka.