Muqdisho (Dawan) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Shire, ayaa sheegay in arrimaha la xiriira ilaalinta xeebaha iyo amniga xuduudaha ay yihiin kuwo u baahan wada shaqeyn xooggan, sharci cad iyo hawlgallo si wanaagsan loo agaasimay.
Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegay shir ay isugu yimaadeen saraakiil ka kala socda hay’adaha amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kaas oo lagu falanqeynayo tallaabooyinka lagu wajahayo khataraha amni ee ka jira xeebaha iyo xuduudaha dalka, iyo sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo wax ku ool ah.
Maxamed Shire ayaa tilmaamay in shirkan laga filayo inay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo ka tarjumaya baahida loo qabo in si dhab ah loo wajaho xaaladaha amni ee ka jira xeebaha iyo xuduudaha dalka.
“Waxaan jecelnahay in shirkan ay nooga soo baxaan qodobo wax ku ool ah,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in saraakiisha amniga ay si qoto dheer uga doodaan arrimaha taagan.