Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay furitaanka rasmi ah ee Shirweynaha Toddobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga 2026, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabanayo caasimadda Soomaaliya.
Shirkan oo ka furmay Hangarka AALA ayaa isu keenay masuuliyiin ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato Soomaaliyeed iyo Talyaani ah, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo bahwadaagta horumarinta, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.
Madashan oo socon doonta muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa soo bandhigista fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kobcinta xiriirka ganacsatada labada dhinac iyo dhiirrigelinta iskaashiyo cusub oo horseedi kara horumar dhaqaale oo waara.
Intii lagu guda jiray furitaanka shirweynaha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorsheyneyso dib u soo nooleynta dhoofinta mooska oo muddo dheer ahaa mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee dalku uu u dhoofin jiray suuqyada Yurub.