Muqdisho, 5 Janaayo 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa lagu wadaa inuu maalinta Jimcaha ah soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, booqasho lagu tilmaamay tii ugu sarreysay ee diblomaasiyadeed ee mas'uul ka socda Beijing ku yimaado dalka tan iyo 1980-meeyadii.
Booqashadan taariikhiga ah ayaa ku soo beegmaysa xilli ay taagan tahay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil ay u fidisay Somaliland, tallaabadaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Imaanshaha wasiirka Shiinaha ayaa loo arkaa taageero cad oo Beijing u muujinayso siyaasaddeeda “Hal Soomaaliya” iyo mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya.
Muddo dheer, Shiinaha waxaa caado u ahayd in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu sannad kasta safarkiisa ugu horreeya ku bilaabo dalalka Afrika. Inkasta oo arrintaasi ay tahay dhaqan soo jireen ah, haddana doorashada Soomaaliya ee socdaalka sannadka 2026 ayaa lagu fasiray isbeddel istiraatiiji ah oo muujinaya xoojinta xiriirka Beijing iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay isbeddelayaan isbahaysiyada gobolka Badda Cas.






