Muqdisho (Dawan) — Waxay ku bilaabatay jante yar oo sigaar lagu shito, balse daqiiqado gudahood waxay isu beddeshay muran sababay dhimashada Cabdicasiis Sheekh Xuseen. Afar bilood kaddib, ninkii lagu helay dilkiisa ayaa isaguna wajahaya xukun dil toogasho ah.
Dhacdadu waxay 15-kii May 2026 ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax, oo loo yaqaan “Kabtan Dhashiike”, lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u dilay Cabdicasiis Sheekh Xuseen.
Sida ku cad faahfaahinta dacwadda, labada nin ayaa isku arkay guri ku yaalla dhinaca beeraha ee degmada Luuq, iyadoo la sheegay inuu hore u jiray khilaaf u dhexeeyay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xilligaas Kabtan Dhashiike uu watay sigaar, isla markaana uu raadinayay jante ama kabriid uu ku shito. Wuxuu saaxiib ay wadaageen oo lagu magacaabo Koofi ka codsaday inuu u helo dab.