Kampala, 24 Sebtember 2025 – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Taladadii shaaciyey inuu u tartamayo madaxweynenimada markale, isagoo ku dhawaaqay diyaar garoowga doorashooyinka madaxtinimo ee 2026.
Museveni ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo xubnaha xisbiga Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Qaranka (NRM) ee u doortay inuu noqdo musharraxa madaxweynaha ee mudada 2026-2031 isagoo sidoo kale tilmaamay in horumar dhaqaale hirgalay intii uu xukunka hayay.
"Waxaan u mahadcelinayaa xubnaha NRM ee iga doortay inuu noqdo calanka xisbiga ee madaxweynenimada 2026-2031. Dhaqaalaha maanta, GDP-ga Uganda waa labanlaabay, wuxuu ka soo galay $34 bilyan ilaa $66 bilyan. Maanta waxaad haysataan dhammaan waxa aad horey ugu fashilanteen: koronto, wadooyin, taleefanno, shaqaale, dad aqoon leh, iyo nabad," ayuu yiri Museveni. "Taasi waa sababta aan u helnay maalgashadeyaal badan, kuwaas oo raadinaya goob ammaan iyo faa'iido leh oo lagu maalgashado."
Museveni, oo ah hoggaamiye ka mid ah kuwa ugu muddo dheer ee talada haya ee Afrika, ayaa ku sugan xilka 39 sano, isagoo tani ay u suuradelisay kadib markii uu ka shaqeeyay wax ka beddelka dastuurka taa soo u suuragelisay inuu sii joogo tartamana mar kale . Waxa uu madaxweyne ka noqday Uganda 1986 isagoo ku yimid xukun millatari , waxaana uu noqon doonaa 81 sano marka doorashada 2026 ay dhacdo.
Musharraxa ugu weyn ee Museveni ka hor yimid ayaa ah Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine, oo horey u ahaa xiddig kaas oo hadda u dagaallamaya siyaasadda. Kyagulanyi ayaa la filayaa inuu isna ku dhawaaqo mushaaraxnimadiisa Arbacada maanta ah.
Kyagulanyi ayaa si cad ugu sheegay in doorashadii 2021 ay ahayd mid wax isdaba marin ah, isagoo ku eedeeyay dowladda inay ku xadgudubtay nidaamka doorashada, cabsi-gelinta codbixiyayaasha, iyo habdhaqanka xukunka militariga ee doorashada. Wuxuu sheegay in doorashada 2026 uu noqon doono "codka kacdoon" ee ka dhan ah dowladda Museveni iyo isbeddel la'aanta.
Ururka mucaaradka ee People’s Front for Freedom (PFF), oo uu hogaaminayo siyaasi hore Colonel Kizza Besigye, ayaa dhankooda sheegay inaysan soo gudbin doonin musharax madaxweyne sanadkan, maadaama Besigye uu ka maqan yahay tartanka.
Afhayeenka PFF, Ibrahim Ssemujju, ayaa sheegay in xisbiga uu taageeri doono musharax haddii ay heshiis gaaraan ama haddii kale ay soo bandhigi doonaan tallaabooyinka xiga marka laga soo xulo musharraxiinta.