Gaalkacyo (Dawan)- Musharraxa Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay qorshe uu sheegay inuu ku xoojinayo amniga iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, haddii xisbigiisu ku guuleysto doorashada. Liibaan oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee maamulkiisa ay noqon doonto in Gaalkacyo laga dhigo magaalo nabdoon, iyadoo dadka ku nool ay helayaan fursad ay si cabsi la’aan ah ugu wada noolaadaan.
“Dib-u-heshiisiin nabadeed ayaan ka sameyn doonaa Galmudug. Meesha ugu horreysa ee ay nabaddu ka dhici doontana waa Gaalkacyo,” ayuu yiri Liibaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu dadaal u geli doono dib-u-heshiisiin dhex marta dadka walaalaha ah ee ay horey u dhex mareen colaado, isaga oo xusay in Gaalkacyo ay u baahan tahay in laga shaqeeyo nabad waarta iyo isu-socod xor ah.
Liibaan ayaa sheegay inuu doonayo Gaalkacyo nabdoon oo isku furan, isla markaana labada maamul ee magaalada ka jira ay yeeshaan isfaham iyo wada-shaqeyn ku dhisan nabadgelyada iyo danaha bulshada.