Soomaaliya, 24 Sebtember 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in arrimaha dhulka Gobolka Banaadir ay si gaar ah asaga u hoos yimaadaan, qofka bixiyana uu isagu yahay, isaga oo sheegay in awooddaas uu ka helay Sharci Lambar 10 ee khuseeya dhulka oo soo baxay 1980.
Hadalkaan ayuu ka sheegay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay uu ka jeediyay kulan ay dowladda ku cambaareyneysay dagaalkii shalay ka dhacay saldhiga degmada Warta Nabadda oo degmada Kaaraan lagu qabtay.
Muunkaab oo ka jawaabayay eedeynta mucaaradka ee ku saabsan sida dowladda u maamusho dhulka danta guud ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu kaliya soo gudbiyo in dowladda ay ka maarantay dhulka, kadibna isaga oo hogaaminaya Gobolka Banaadir uu siiyo cidda ay rabaan oo ay u arkaan inay mudan tahay. Tusaalooyink uu soo qaatay ayaa waxaa ka mid ahayd ganacsatada oo inta badan ah kuwa mucaaradku ku eedeeyaan arrimaha dhulka.
“Dhulka gobolka Banaadir waxa sharci ahaan Qaranka mas’uul uga ah Dawladda Hoose ee Xamar, sida ku cad sharci No.10. Dawladda Hoose ayaa awood u leh inay dhul siiso hay’adaha dowladda si loogu adeegto danta guud. Haddii aan muddo dheer loogu adeegsan dan guud, dhulku si toos ah ayuu ugu soo noqonayaa Dawladda Hoose. Cid kasta oo arrintan shaki ka qabtana, hasoo akhrisato sharci No.10, gaar ahaan qodobadiisa 1aad, 7aad iyo 15aad.” Ayuu yiri Muunkaab.
Muunkaab ayaa intaas ku daray in dhulka danta guud ee horay loo bixiyay haddii ay ka maaranto wasaaradaas ama hay’adas uu si sharci ugu soo laabanayo gacanta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, kadibna Dawladda Hoose ay u sharciyeyso cidda ay rabto.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhul in ka badan 30 sano aan loogu adeegsanin dan guud uusan sidiisa sii ahaan karin, isaga oo tilmaamay in arrintaasi bilicda magaalada dhaawacayso isla markaana aan la aqbali karin.
Arrinta maamulka dhulka danta guud ee Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay ahayd mid muran joogto ah uu ka taagan yahay, iyadoo shalay ay ugu dambeysay dagaal ka dhacay degmada Warta Nabadda, kaas oo salka ku hayay dhul.