Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in aysan jirin cid qaadan karta ama deegaameyn karta Suuqyada Muqdisho, Xilli uu Isniintii booqday Suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ka yimid ganacsatada suuqa.
Muungaab ayaa ku dhawaaqay in ay dowladda ka go'an tahay ilaalinta ganacsiga iyo hantida shacabka, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin cid ku qabsan karta ganacasata hadda ku ganacsada suuqyada Muqdish.” Ma jirto cid cabiran karto Suuqa Bakaaraha oo deegaameyn karta” ayuu yiri Muungaab.