Hargeysa ( Dawan) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday inay siisay Somaliland, isaga oo sharraxay sida uu u helay warkaasi iyo dareenkii ku dhashay markii uu maqlaayay.
Muuse Biixi ayaa sheegay in xilliga uu warka helay uu ku mashquulsanaa shaqo beer, isla markaana uu wicitaan ka helay madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland. “Anigoo beer ka shaqeynaya ayuu madaxweynuhu ii soo wacay, wuxuuna ii sheegay in aqoonsigu diyaar yahay, markaas ayaan si degdeg ah u soo orday, xitaa kabo la’aan,” ayuu yiri Biixi, sida uu ku sheegay muuqaal gaaban oo uu soo duubay.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay muujiyaan isku duubni iyo midnimo gudaha ah, isagoo muujiyay walaac ku saabsan in aqoonsigan uu sababi karo kala aragti duwanaansho bulsho.







