Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay doorka ay beesha caalamku ku lahayd wadahadalladii siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka ee dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, xilli dood badan ay ka dhalatay heerka saameynta dibadda ee geeddi-socodka siyaasadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku ekaayeen kaalinta fududeynta iyo garab istaagga, islamarkaana aysan faragelin ku sameyn jihada go’aannada siyaasadeed ee Soomaalida.
Isagoo ka hadlayay wareysi gaar ah oo uu siiyay Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu sheegay in beesha caalamku ay si cad u muujisay in masiirka siyaasadeed ee dalka ay tahay in ay go’aamiyaan Soomaalida lafteedu.
“Saaxiibbada hadda Soomaaliya jooga sida ay warbaahinta u sheegeen, waxay yiraahdeen talada umadda Soomaaliyeed baa leh,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Wuxuu intaas ku daray in doorka saaxiibbada caalamiga ah uu ahaa mid ku kooban taageero iyo dhiirrigelin siyaasadeed.
“ Iyagu door fududeyn iyo garabgal mooyaane.... Soomaalidu ha tashato ayay leeyihiin, taladeedana haku dhisato mabaadi’da dastuuriga ah ee ah in dadka talada loo celiyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay jireen hadal-heyn la xiriirta sababta wadahadallada mucaaradka iyo dowladda loogu qabtay gudaha xerada Xalane, oo ay degan yihiin hay’ado iyo wakiillo caalami ah.


