Wajeer (Dawan) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in garoonka cusub ee magaalada Wajeer loogu magac daray wasiirkii hore ee Kenya iyo xildhibaankii Wajeer Galbeed, marxuum Axmed Khaliif, si loo maamuuso kaalintii uu ku lahaa siyaasadda dalka iyo adeegii uu u soo qabtay bulshada gobolka.
Go’aankan ayuu Ruto uga dhawaaqay munaasabaddii xuska 63-aad ee Maalinta Madaraka ee lagu qabtay Wajeer, kadib codsi uga yimid Guddoomiyaha Gobolka Wajeer, Axmed Cabdullaahi.
Axmed Khaliif ayaa ahaa xildhibaankii Wajeer Galbeed ee ku guuleystay doorashadii guud ee sanadkii 2002, isagoo u tartamay xisbiga Isbahaysiga Qaranka ee Rainbow (NARC). Guushaas ayaa loo arkayay mid taariikhi ah maadaama uu jebiyay saameyntii xoogganayd ee xisbiga KANU ku lahaa gobolka.
Kadib doorashadaas, waxaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Awoodda Shaqaalaha ee Xukuumaddii ugu horreysay ee Madaxweyne Mwai Kibaki. Hase yeeshee, muddo kooban ayuu xilka hayay kadib markii uu ku geeriyooday shil diyaaradeed 24-kii Janaayo 2003, wax ka yar saddex toddobaad kadib magacaabistiisii.