Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa Sabtidii Madaxtooyada ku qaabilay Fahiima Yuusuf Quuje, oo 17-kii Luulyo 2026 dib ugu laabatay Somaliland, kaddib markii ay iska casishay xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray nabadda, wadajirka bulshada iyo dib-u-soo-noqoshada muwaadiniinta Somaliland, iyadoo Madaxweyne Cirro uu sheegay in nabad waarta ay tahay ajandaha koowaad ee xukuumaddiisa.
“Xukuumaddayda ajandaheeda koowaad waa nabad waarta oo ay shacabka Somaliland ku wada noolaadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Cirro ayaa sheegay in soo laabashada Fahiima Quuje iyo muwaadiniin kale ay qayb ka tahay dadaallada lagu soo celinayo isku-soo-dhawaanshaha, is-raaca iyo walaalnimada bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladdii ka dhacday gobolka Sool, isagoo sheegay in wixii halkaasi ka dhacay ay ahaayeen dhacdooyin nasiib-darro ah oo ka dhex dhacay Somaliland. Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal, nabad iyo walaalnimo.