Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay doorashada la isku khilaafsan yahay ee ka dhacday dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo dib loogu doortay Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ugu hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo ku-xigeennadiisa, kuwaas oo isla maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.
Wuxuu Farmaajo ku baaqay in hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ay xoogga saaraan dib-u-heshiisiinta bulshada, xoojinta amniga, iyo dhammaystirka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaas.
“Hoggaanka la doortay waxaa horyaalla waajibaad culus oo ay ugu horreeyaan dib-u-heshiisiinta, xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha,” ayuu yiri Farmaajo.


