Muqdisho (Dawan)– Garsoore Cumar Cartan ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay xoojiso taageerada dhalinyarada hibada leh, isaga oo si gaar ah farriin ugu soo qoray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cartan ayaa sheegay in guulaha ay gaaraan shaqsiyaadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ay wada leeyihiin shacabka iyo dalka oo dhan, balse uu isagu isu arko kaliya hormuud, isagoo rajo ka muujiyay in dhalinyaro badan ay gaaraan heerar ka sarreeya kuwa uu hadda gaaray.
“Ma jiro wax aan la gaari karin haddii dadaal la muujiyo,” ayuu yiri, isaga oo ku dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadaha isla markaana ay kordhiyaan dadaalkooda.
Garsooraha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha in la garab istaago dhalinyarada matalaysa dalka, lana siiyo taageero buuxda si ay u horumariyaan kartidooda uguna muujiyaan calanka Soomaaliya fagaarayaal caalami ah.


