Muqdisho 17 december 2025 (Dawan)- Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay jihada ay dowladda federaalka hadda ku waddo arrimaha doorashada, isaga oo ka digay halista firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed ee dalka soo wajihi kara bilaha soo socda.
Kheyre ayaa si xisaabeysan u tilmaamay in saddex sano iyo toddoba bilood laga joogo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, halka shan bilood oo kaliya ay ka harsan tahay muddadii dastuurku u asteeyay in la qabto doorashada xigta. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka Federaalka ay u harsantahay kaliya afar bilood , taasoo muujinaysa, sida uu sheegay, in dalka uu ku jiro waqti xasaasi ah oo u baahan heshiis siyaasadeed oo degdeg ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka in ay laaleen dastuurkii iyaga lagu doortay, isla markaana ay ku dhaqaaqeen qorsheyaal doorasho oo aysan dadka Soomaaliyeed ku heshiin, kana tarjumaya dano gaar ah. Wuxuu sheegay in weli aysan jirin is-afgarad qaran oo ku saabsan waqtiga, nooca iyo hanaanka doorashada, inkastoo ay dhammaanayso muddada sharciga ah ee hay’adaha dowladda.
Kheyre ayaa qorshaha dowladda ee doorashooyiinka ku tilmaamay “doorasho dhalanteed ah” oo si khasab ah loogu wado magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha lagu diiwaangeliyey cabsi, qafaal iyo qori caaradiis. Wuxuu intaas ku daray in hadda la baadi-goobayo dadkii sida qasabka ah loogu diiwaangeliyey doorashadaas, isla markaana jaamacadaha dalka lagu cadaadinayo in xarumahooda lagu qabto hannaan doorasho oo aysan raalli ka ahayn.
Inkasta oo uu qiray in doorasho qof iyo cod ah ay tahay hiigsi qaran iyo xuquuq dastuuri ah, haddana Kheyre wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladda hadda jirta aysan suurto-gelin karin hirgelinta doorasho noocaas ah. Wuxuu sheegay in waqtiga yar ee ka haray muddada dowladda, maqnaanshaha heshiis siyaasadeed, sharciyad la’aanta guddiyada doorashada, iyo amni darrada ka jirta deegaanno badan oo ay weli ka taliyaan Al-Shabaab ay caqabad weyn ku yihiin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.




