Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhaliilay mucaaradka inay xoogga saaraan dhaliil iyo hadallo cabsi gelin ah, halkii ay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigi lahaayeen aragti qaran iyo qorshe cad oo ku saabsan jihada dalka.
Madaxweynaha, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mucaaradka laga sugayay inay soo bandhigaan Soomaaliyada ay doonayaan in la dhiso iyo siyaabaha ay ku gaari lahaayeen himiladaas, balse taa beddelkeeda ay ku mashquulsan yihiin dhaleeceyn joogto ah.
Wuxuu sheegay in hadallada mucaaradka intooda badan ay ku saleysan yihiin digniino ku saabsan burbur, kala qaybsanaan iyo xaalado adag, iyadoo aan la soo bandhigin xalal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo caqabadaha jira.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay weli wajahayo caqabado waaweyn, balse uu dalka ku socdo waddo horumar oo tartiib ah, isla markaana la taaban karo.
“Wixii aan rabnay oo dhan ma haysanna? Maya. Wax kasta meeshii ugu fiicneyd ma noo joogaan? Maya. Laakiin meeshii aan shalay joognay ayaan ka fiican nahay,” ayuu yiri madaxweynuhu.