Gaalkacyo (Dawan ) — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta oo Khamiis ah heegay in hannaanka uu dalku ugu guurayo doorashooyinka qof iyo cod uu noqday mid sii adkaanaya in dib looga laabto, xilli codbixiyayaashu ay ka qeyb galayeen doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka Galmudug.
Isagoo ka hadlayey goobaha codbixinta ee magaalada Gaalkacyo , Saalax ayaa sheegay in doorashada tooska ah ee ka socota Galmudug ay tahay tallaabo kale oo muhiim ah, kadib doorashooyinkii hore uga dhacay Gobolka Banaadir iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in doorashooyinkan isdaba jooga ahi ay muujinayaan taageerada sii kordheysa ee shacabka u hayaan dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka.
"Waxaa jiray dad badan oo aaminsanaa in Soomaaliya aysan diyaar u ahayn doorasho qof iyo cod ah. Shacabka Banaadir ayaa bixiyay jawaabtii ugu horreysay, shacabka Koonfur Galbeed ayaa bixiyay tii labaad, maanta Galmudug jawaabtii malaha ugu dhawaaqa dheerayd bixinaysa." ayuu yiri Saalax.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay afartii sano ee la soo dhaafay ku hawlaneyd diyaarinta doorashooyinka tooska ah, iyadoo wax ka beddel ku sameysay dastuurka, meel marisay sharciyo cusub, dhistay hay’adaha doorashooyinka isla markaana maalgelisay agabka iyo awoodda farsamo ee loo baahan yahay si doorashooyinka loo qabto.