Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay fuliso heshiisyadii hore ee ay la gaartay Somaliland ka hor inta aan la bilaabin wareeg cusub oo wada-hadallo ah. Cirro oo Jimcihii khudbad u jeediyay safiirro, madaxda hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada horumarinta ee ku sugan Nairobi, ayaa sheegay in Somaliland ay hore u muujisay inay diyaar u tahay wada-hadallada, balse uu sheegay in heshiisyadii ay labada dhinac gaareen aan la fulin.
“Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa saaxiibbadeenna caalamka inaysan ku ekaan dhiirrigelinta wada-hadalka, balse ay sidoo kale Soomaaliya ku dhiirrigeliyaan inay fuliso heshiisyadii hore loo gaaray,” ayuu yiri Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maamulka hawada rayidka uu yahay tusaale ka mid ah heshiisyadii hore ee labada dhinac, kuwaas oo uu sheegay inaanay dowladda Soomaaliya fulin.
Cirro ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay faragelin ku hayso arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay diiradda saartay Somaliland halkii ay wax uga qaban lahayd caqabadaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadantinimo ee ka jira gudaha Soomaaliya.