Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalku ay codsatay in dib loo dhigo ku dhawaaqista jadwalka doorashada heer federaal.
Wareysi uu Madaxweynaha siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan ayuu ku sheegay in tallaabadaasi loo qaaday si fursad dheeri ah loo siiyo wada-hadalka siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in jadwalka doorashooyinka uu leeyahay guddiga doorashada, balse dowladda ay ka codsatay guddiga in aan weli lagu degdegin ku dhawaaqista waqtiga doorashada qaranka.
Waxa uu sheegay in arrintaasi ay la xiriirto dadaallada lagu doonayo in heshiis siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka taagan.
“Mucaaradku waxa ay xoogga saarayaan arrimaha doorashada qaranka. Sidaas darteed waxaan rabnay in albaabka wada-hadalku sii furnaado,” ayuu yiri madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhinaca farsamada iyo diyaar-garowga doorashooyinka horumar laga sameeyay, isla markaana aysan jirin wax weyn oo hortaagan jadwaleynta doorashada.